Wednesday, August 26, 2026

Masuuliyiin Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gaaray Baydhabo

Share

Baydhabo, Soomaaliya –  Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa gaaray gaaray magaaladda Baydhabo ee xurunta kumeelgaarka ah ee Koonfurgalbeed.

Waftiga uu hogaaminayo gudoomiye Aadan ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo kuxigeenka golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Masuuliyiinta gaaray magaaladda Baydhabo ayaa waxaa kamid ah xubno siyaasiyiin deegaanka ah oo horay loogu diiday inay tagaan kuwaas oo qaarkood iyana maanta gaareen.

Magaaladda Baydhabo ayaa shalay gacanta ugashay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya waxaana horkacayay xubno katirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynihii Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo doorasho uu kusoo baxay kaqabtay magaaladda Baydhabo maalinamadii Sabtida ayaa isaga dhoofay, isagoo gaaray magaaladda Nairobi, Laftagareen ayaa qoraal uu soo saaray kusheegay inuu iskacasilay madaxweynanimadii Koonfurgalbeed.

Iscasilaada madaxweyne Laftagareen ayaa timid kagadaal markii ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ah gudaha magaalada Baydhabo oo uu ka arriminayay todobo sano iyo dhowr bilood.

Maamulka madaxweyne Laftagareen ayaa kusime madaxweyne umagacaabay wasiirkii maaliyadda Koonfurgalbeed Axmed Maxamed Xuseen.

Koonfurgalbeed ayaa gashay marxalad siyaasadeed cusub iyadoo la eegi doono halka xaalku kudambeyn doono

 

Read more

Local News