Home Editor's Picks Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kadagay Baydhabo, Todobaad Kadib Doorashadii Laftagareen

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kadagay Baydhabo, Todobaad Kadib Doorashadii Laftagareen

0

Baydhabo, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaaladda Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfurgalbeed.

Imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Baydhabo ayaa kusoo aadaya iyadoo Isniinta todobaadkan Meesha laga saaray madaxweynihii Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo xubnihii maamulkiisa katirsanaa kagadaal doorashadii degdega aheyd ee loogu doortay madaxweynaha.

Tan iyo markii uu Meesha kabaxay nidaamkii hore uga arriminayay deegaanadda Koonfurgalbeed todobaadkan waxaa magaaladda Baydhabo gaaray masuuliyiin heer federal ah oo ay ugu horeeyaan wasiiradda Xanaanada Xoolaha Xasan Eelaay, wasiirudowlaha arrimaha gudaha Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan, iyo taliyihii Booliska Soomaaliya ee gobolka Baay Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo iyagu lug kugalay magaaladda Baydhabo.

Wafuuda kale ee gaaray Baydhabo isla todobaadkaan ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo kuxigeenkiisa Cabdullaahi Cumar Abshirow, wasiiradda arrimaha gudaha iyo dibadda Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, kusimiihi madaxweyne ee ay dowladda federaalku umagacowday Koonfurgalbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale gaaray saraakisha amniga oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha Millatariga Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha ciidanka Booliska Asad Cusmaan Cabdullahi Diyaano.

Xukunkii todobo sano jirsaday ee madaxweyne Laftagareen ayaa kabaxay deegaanada maamulkaasgaar ahaan magaaladda Baydhabo oo saldhig u’ahayd, inkastoo uu horay nidaamka madaxweyne Laftagareen u lumiyay maamulada degmooyinka gobolada Baay iyo Bakool.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal xooggan ugu sidii ay doorasho qof iyo cod ah uga qaban laheyd Soomaaliya gaar ahaan deegaanadda Koonfurgalbeed.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version