Muscat, Oman – Cumaan iyo Iiraan ayaa yeeshay wadahadallo heer wasiir ku-xigeen ah, iyagoo ka wada hadlay fursadaha lagu hubinayo in maraakiibtu si habsami leh ugu gudbaan marin biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan ayaa qoraal ay kufaafisay barteeda Twitter ka horay loo oran jiray ee X kusheegtay in Shirka la qabtay Sabtidii uu ahaa heer xoghayeyaal hoose oo ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda labada dal, iyadoo intaas ku dartay in ay ka soo qaybgaleen khubaro labada dhinac kasocda.
Wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan ayaa qoraalkeeda kudartay in laga wada hadlay fursadaha suurtagalka ah ee ku saabsan hubinta marinnada siman ee loo maro marinka Hormuz inta lagu jiro xaaladahan lagu arkay gobolka ee dagaaladda ah.
Saddex markab oo Cumaan ah ayaa u muuqday inay kagudbeen Gacanka Hormuz Axada maanta ah, oo ka baxsan marinka la ansixiyay ee Iiraan ee u dhow Jasiiradda Larak, sida laga soo xigtay xogta raadraaca ee uu kormeeray joornaalka maraakiibta ee Lloyd’s List.
Maraakiibtan saddexda ah ee kagudbay Hormuz ayaa kala ah  laba markab oo waaweyn oo saliid ah iyo hal markab oo gaaska dabiiciga ah (LNG).
Horumarradan ayaa yimid ka dib markii sarkaal Iiraani ah uu Khamiistii sheegay in Iiraan ay diyaarinayso hab-maamuuska Cumaan si ay ula socoto taraafikada marin biyoodka Hormuz, kaas oo qiyaastii shan meelood meel ka mid ah safarrada sahayda saliidda adduunka ay maraan, Iiraan ay si xooggan u xaddiday marin biyoodka Hormuz sababo laxiriira aargoosiga dagaalka socda ee Mareykanka iyo Israa’iil ee kadhanka ah Iiraan.
Tan iyo markii dagaalku bilaabmay 28 ka February, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa u oggolaaday maraakiibta qaar inay maraan marin biyoodka ay maamusho ee Hormuz, kuwaa oo ay ku jiraan maraakiibta Pakistan, Faransiiska, iyo kuwa Turkiga ku xiran. hase yeeshee qiyaastii 3,000 oo kale ayaa ku xayiran.

