Home DIBADDA Nabad Ilaaliye Faransiis Ah Oo Lagu Dilay Koonfurta Lubnaan

Nabad Ilaaliye Faransiis Ah Oo Lagu Dilay Koonfurta Lubnaan

0

Beirut, Lubnaan – Nabad ilaaliye Faransiis ah ayaa la dilay saddex kalena waa la dhaawacay ka dib markii oo rasaas lagu furay iyago roondo ku jiray ciidamada ilaalada ee Qaramada Midoobay koonfurta Lubnaan, taasoo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen weerar ula kac ah.

Askariga ayaa la shaqeynayay Ciidamada Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (Unifil), kaas oo xaqiijiyay in hal nabad ilaaliye uu dhintay saddex kalena ay dhaawacmeen, laba ka mid ahna ay si xun u dhaawacmeen, kadib markii ay weerar rasaas la kulmeen.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa weerarka ku eedeeyay Hezbollah.
Kooxda hubaysan ee ay taageerto Iran ayaa beenisay wax xiriir ah oo ay la leedahay dhacdada.

Waxay ku soo beegantay iyadoo xiisado xooggan ay ka jiraan koonfurta Lubnaan, halkaas oo nabad ilaaliyeyaashu ay la kulmeen khataro sii kordhaya tan iyo markii dagaallo cusub oo u dhexeeya Hezbollah iyo Israel ay qarxeen 2-dii Maarso.

Xabbad joojin 10 maalmood ah oo u dhaxaysa Israa’iil iyo Lubnaan ayaa dhaqan gashay 16-kii Abriil. Mareykanka, oo ku dhawaaqay heshiiska, ayaa ku boorriyay Hezbollah inay u hoggaansamaan shuruudaheeda.

Macron ayaa sheegay in wax walba ay muujinayaan in mas’uuliyadda weerarkan ay saaran tahay Hezbollah, Wuxuu intaasi ku daray in Faransiiska uu dalbanayo in mas’uuliyiinta Lubnaan ay si degdeg ah u xiraan dambiilayaasha oo ay mas’uuliyadahooda la wareegaan Unifil.

Wasiiradda Ciidamada Qalabka Sida ee Faransiiska Catherine Vautrin ayaa sheegtay in nabad ilaaliyuhu uu qayb ka ahaa howlgal dib loogu furayo marin u helidda goob ay ku sugnaayeen ciidamada Unifil oo ay go’doomiyeen dagaalladii dhawaan dhacay markii ay gaadmo ku qaadeen koox hubaysan oo aad ugu dhow.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version