Dar-es Salaam, Tanzania – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagaya Tanzania, taasoo ka bilaabanaysa Isniinta, taasoo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.
Sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Dowladda Tanzania, Madaxweyne Ruto ayaa wadahadallo la yeelan doona madaxweynaha martigelinaya, Samia Suluhu Hassan, ka hor inta aysan labada hoggaamiye si wadajir ah u guddoomin wadahadallada laba geesoodka ah ee heerka sare ah oo ay ku lug leeyihiin wufuud ka socota labada dal.
Wadahadallada ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta iskaashiga qaybaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan ganacsiga, maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka, oo ay weheliyaan meelaha kale ee danaha labada dhinac ah.
“Wadahadalladu waxay diiradda saari doonaan xoojinta iskaashiga walaaltinimada iyo istaraatiijiyadda ee muddada dheer soo jiray ee u dhexeeya Tanzania iyo Kenya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale goob joog ka noqon doona saxiixa dhowr heshiis oo is-afgarad iyo iskaashi ah, taasoo muujinaysa ballanqaad cusub oo lagu ballaarinayo xiriirka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa loo qorsheeyay inuu ka qayb galo Madal Ganacsi oo isu keeni doonta maalgashadayaasha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee ka socda Tanzania iyo Kenya, taasoo bixinaysa goob lagu sahaminayo fursadaha ganacsi ee cusub.
Maalinimada barri ah ayaa lafilayaa in Madaxweyne Ruto khudbad ka jeediyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Midawga Afrika ee Dodoma ka hor inta uusan u ambabixin Kenya, isla maalintaas, ka dib marka uu soo gabagabeeyo safaradiisa rasmiga ah.

