Home Editor's Picks Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Siyaasadeed Ee Soomaaliya

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Siyaasadeed Ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Dalalka Soomaaliya ka taageera dhaqaalaha oo ay ugu horeeyaan midowga Yurub ayaa soo saaray bayaan wadajir ah kaas oo ay walaac kaga muujinayaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Bayaanka ay soo saareen todoba iyo toban dal ayaa sidoo kale dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya ugu baaqay inay dib usoo celiyaan wadahadaladii burburay 15 kii May ee bishii tagtay kaasoo ay gar wadeen ka aheyd beesha caalamka, heshiisna ka gaaraan nooca doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed u hamuun qabaan.

Bayaanka kasoo baxay wadamadaan ayaa sidoo kale lagu xusay inay diyaar uyihiin inay hogaaminyaan wadahadalada u dhexeeya Soomaalida hadii ay codsadaan.

Beesha caalamka ayaa bayaanka ay kasoo saareen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya kudaray in xilligan xasaasiga ah, ay ku boorinayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, kana fogaadaan talaabo kasta oo keeni karta sii kordhinta xiisadaha iyo qalalaasaha.

Bayaanka kasoo baxay beesha caalamka ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday shir udhexeeyay xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud 15ka bishii May ee tagtay, mucaaradka uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Puntland oo doonayay in madaxweyne Xasan Sheekh kalaabto nidaamka doorasho ee qof iyo codka ah ayaana noqday mid guuldareystay kagadaal marka uu madaxweyne Xasan ku adkeestay go’aankiisa doorasho ee qof iyo codka ah.

Xubnaha mucaaradka oo shirar is daba joog ah kuyeeshay magaaladda Muqdisho ayaa banaanbax ka dhan ah xukuumada madaxweyne Xasan ku qabtay Muqdisho 10 kii May iyagoo lakulmay cadaadis ciidan oo ay saaraty dowladda Soomaaliya.

Bayaanka Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku soo aadaya xili 04 ta Bishan June ay mucaaradku ku balameen banaanbax kale oo kadhan ah xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxaa socda dadaalo ladoonayo inay mucaaradku ku baajiyaan banaanbaxa ay ku balameen inay qabanayaan 04 ta June oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socoto.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version