MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo guuray gurigii uu ka daganaa xaafadda Mirinaayo degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Shariif Sheekh Axmed ayaa Talaadada todobaadkaan gabagabada ah dagay xaafada Mirinaayo iyadoo galinkii dambe ee Arbacada ilaa waabarigii Khamiista uu dagaal ku dhexmaray ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa ilaalo u’ah.
Wafti odayaal dhaqameed ah oo ay hogaaminayeen ugaaska beesha uu kadhashay madaxweyne hore Shariif, taliyaha milatariga, iyo gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda qalabka sida ayaa waan waan iyo wadahadal ugu tagay Shariif si ay ugu qanciyaan inuu dib ugu laabto gurigii uu horay udaganaa ee aagga garoonka.
Dowladda federaalka ah ayaa ku adkeysatay in madaxweyne hore Shariif uu ka guuro halka uu soo dagay, isla mar ahaan taasna ku laabto xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.
Xubnaha mucaaradka ah oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaan waxaa garabkooda kasoo muuqan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ku sugnaa degmadda Cabdicasiis, mucaaradka ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doonayo inuu khaarijiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Dhanka kale goor hore oo galabta ah madaxweynihii hore ayaa lagu sameeyay is hor istaag, kagadaal markii uu kasoo baxay gurigii uu ku sugnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyagoo ay lasocdaan taliyaha milatariga iyo gudoomiyaha maxkamadda ciimadda, bar kontorool oo ku taala meel u dhow xarunta gobolka Banaadir iyo xabsiga dhexe.
Shariif Sheekh Axmed ayaa soo noqday madaxweynihii todobaad ee Soomaaliya intii u dhexeesay sanadkii 2009ka ilaa 2012ka.
