Muqdisho, soomaaliya – Wadahadalada rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay garwadeen ka yihiin wakiiladda Beesha Caalamka ayaa maanta oo Khamiista ah si rasmi ah uga bilaabowday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.
Sidda ay ogaatay Arlaadi Media, ajendaha maanta ayaa ah gudbinta nooca doorashadda Soomaaliya 2026 oo Beesha Caalamka iyo Dowladda ay ku wareejiyaan Golaha Mustaqbalka iyo Xisbiga Nabad & Nolol.
Golaha Mustaqbalka ayaa kal hore nooca doorashadda ee ay doonayaan waxay ku wareejiyeen Beesha Caalamka taasoo ahayd qof iyo cod ku saleysan banaanka 4.5 ee awood qeybsiga Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmo kadib ay kasoo jawaabto nooca doorasho ee ay soo gudbiyeen mucaaradka. Dowladaha dhexdhexaadinta ku leh ayaa kala ah Mareykanka, Turkiga, iyo Ingiriiska si lamid ah Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Sikastaba ha ahaatee, wadahadaladan ayaa loo arkaa fursada ugu dambeysa ee heshiis siyaasadeed ku gaari karaa madaxda Soomaalida si looga baaqsado in khilaafka siyaasiga ah uu isku rogo gacan ka hadal hubeysan taasoo horey uga dhacdey Muqdisho.
