Islamabad, Pakistan – Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran Eskandar Momeni ayaa gaaray caasimadda Pakistan ee Islamabad, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.
Wasiirka arrimaha Gudaha Iran Momeni ayaa booqashadiisa ku soo aadeysa martiqaad uu ka helay dhiggiisa Pakistan Mohsin Naqvi si uu u horumariyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Tehran iyo Islamabad, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda ee IRIB.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa sidoo kale xaqiijisay imaatinka Momeni war-saxaafadeed.
Wasiirka arrimaha gudaha Iran ayaa waxaa garoonka ku qaabilay dhigiisa Pakistan iyo masuuliyiin kale.
Booqashadan ayaa timid iyadoo xiisadda gobolku ay sii xoogeysatay tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerar wadajir ah ku qaadeen Iiraan bishii February. Tehran ayaa ka aargoosatay duqeymo diyaaradeed iyo gantaallo iyadoo la beegsatay waddamada Khaliijka ee martigeliya hantida Mareykanka.
Mareykanka iyo Iran ayaa bishii hore kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ay dhexdhexaadinayso Pakistan si loo soo afjaro khilaafkooda loona gaaro heshiis nabadeed oo waara, laakiin xiisadda ayaa mar kale sii xoogeysatay toddobaadkii hore oo ka dhacay Marinka Hormuz, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen weeraro.
