Tehran, Iran – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa Jimcihii sheegay in ciidamadooda badda ay joojiyeen laba markab oo shidaal siday oo marayay marin-biyoodka Hormuz, halka afar kale ay dib u laabteen kadib digniino ay bixiyeen ciidamada Iran.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in maraakiibtaasi ay marayeen waddo aysan Iran oggolayn, isla markaana ay wateen ilaalin dhinaca cirka ah oo uu bixiyay Mareykanka. Sida ay sheegtay, labada markab ayaa la joojiyay kadib markii ay iska dhega tireen digniinaha la siiyay.
Ciidanka Iran ayaa sidoo kale sheegay inay uga digeen milkiilayaasha maraakiibta iyo shirkadaha caymiska inay iska indhatiraan wararkii uu hore u soo saaray Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ee ku saabsanaa ammaanka marin-biyoodka Hormuz.
Dhankiisa, CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay hagayeen maraakiib ganacsi oo marayay marin-biyoodka, isla markaana ay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo badqabka isu socodka maraakiibta. Waxa uu sidoo kale ku dooday in khatarta ugu weyn ee maraakiibta ay ka imanayso falalka IRGC.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay sii xoogeysaneyso, kadib weerarro iyo jawaabo militari oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka Hormuz.

