Sunday, August 2, 2026

Loolanka Loogu Jiro Hanashada Kursiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Sii Xoogeystay

Share

Muqdisho – Loolanka u dhexeeya mudanayaasha u tartamaya kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii xoogeystay xilli maalinimadii shalay uu si rasmi ah u furmay kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha u hanqal taagaya qabashada xilka gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa iyagu muujinaya u diyaar garowgooda ku aadan doorashada gudoonka golaha.

Kursiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo uu baneeyay hogaamiyaha Maamulka Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa u sharaxan masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha Gudaha Saadad Maxamed Nuur Caliyow, iyo xildhibaan Saalax Shariif Siidkey.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha Gudaha Saadad Caliyow ayaa isagu iska casilay xilka uu ka hayay wasaaradda arrimaha gudaha isagoo xusay sababta uu isku casilay inay tahay si uu u xaqiijiyo hadafkiisa ah kadhabeynta u tartamida gudoomiyaha baarlamaanka.

Dhanka kale sii hayaha gudoomiyaha baarlamaanka Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa magacowday gudi ka kooban 9 xubnood kuwaas oo kashaqeenaya qabsoomida doorashada kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka oo uu baneeyay hogaamiyaha Koonfurgalbeed, gudoomiye Sacdiyo ayaa fartay xubnaha ay magacowday inay si deg deg ah u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Qaar kamid ah murashaxiinta u tartameysa xilka gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa dhaliilay magacaabista xubnahan iyagoo xusay in xubin kamid ah gudoonka baarlamaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Nuux oo ah hab dhowraha baarlamaanka uu u ololeenayo murashax gaar ah.

Dowladda federaalka ayaa iyadu dooneysa in kursigan uu ku fadhiisto murashax Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo hadda ah wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda.

Dhanka kale xildhibaano la magac baxay baarlamaanka Xorta ah ayaa ka soo horjeestay magacaabista ay sameeyay ku xigeenka gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha gudoomiyaha Sacdiya Yaasiin Samatar, xildhibaanadan ayaa xusay in sharciyadii hay’adaha dowladu dhamaadeen isla mar ahaan taasna ay yihiin xil gaar siiyayaal.

Xildhibaanadan ayaa baarlamaanka uga digay inuu hormuud u noqdo kala qeybinta bulshada iyo wadanka, talaabooyinka ay qaadayaanna saldhig u noqon sii kala fogaanshaha iyo burburka dowladnimada.

Read more

Local News