Muqdisho – Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta dib u celiyay Baasa Boorka dalka Kenya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa 26 ka bishii June laga celiyay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee dalka Kenya kadib muran ka dhashay eedeymo la xiriira baasaboor Kenyan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah ku helay sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo tagay safaaradda Kenya ee magaaladda Muqdisho ayaa documents ka Baasa Boorka wareejiyay waxa uuna qoraal ku daabacay barta uu ku leeyahay mareegta Facebook warsaxaafadeed uu kaga hadlayo dib u celinta baasaboorka Kenya.
Ra’iisul wasaare xigeenka xukuumadda oo ka hadlay dib ucelinta baasaboorka Kenya waxa uu warsaxaafadeed ku yiri “Baasaboorka Kenya ee la ii siiyay wuxuu ahaa dukumenti sharci ah oo si waafaqsan sharciga lagu helay loona isticmaalay. Si loo muujiyo hufnaanta buuxda ee ku saabsan xilkeyga dowladda, waxaan si iskood ah ugu celiyay baasaboorkaas hay’adaha ay khusayso ee Jamhuuriyadda Kenya”.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa talaabadda uu dib ugu celiyay dowladda Kenya baasaboorkeeda ku sifeeyay inay tahay mid maamul ee aysan aheyn mid khilaaf ama codsi ka yimid hay’ad kale.
Dowladda dalka Kenya ayaa sidoo kale dalkeeda ka celisay wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyadoo shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha Wasiiradda oo uu todobaadkii hore shir gudoomiyay madaxweynaha Soomaaliya faray xubnaha kamidka ah golaha ee haysta baasaboorka Kenya inay dib u celiyaan.
