Loolankii Doorasho Ee U Dhexeeyay Wasiir Saadaad Iyo Wasiir Jaamac Oo Soo Gabagaboobay Kadib Tanaasul Dhexmaray

    0

    Muqdisho – Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha xildhibaan Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa u tanaasulay wasiirka wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac kuwaas oo labadooduba ka dhexeeyay loolan adag oo ay ugu jiraan hanashada kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka.

    Munaasabad ay goob joog ahaayeen madaxweynaha, ra’iisulwasaaraha, safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo ururka Bulshada Bariga Afrika iyo hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed ayay labada wasiir ku muujiyeen isu tanaasulkooda.

    Wasiir Saadaad ayaa Sabtidii todobaadkan ku dhawaaqay inuu iska casilay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimha Gudaha kagadaal markii uu furmay kalfadhiga sideedaad ee baarlamaanka.

    Baarlamaanka ayaa guda galay qabashada doorasahda kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka iyadoo maalinta Isniinta todobaadka soo socda loo asteeyay qabashada doorashada kursigan oo uu horay u baneeyay hogaamiyaha Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe bishii June kadib markii loo doortay inuu noqdo hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed.

    Isu tanaasulka labada dhinac ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo kooban ka harsanyihiin qabashada doorashada.

    NO COMMENTS

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Exit mobile version