Kathmandu, Nepal – Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay daad xooggan oo ka dhashay dhul-go’ ka dhacay xadka Nepal iyo Tibet ee Shiinaha, halka boqolaal qof oo dalxiisayaal ah weli la la’yahay. Masiibadan ayaa si weyn u saameysay deegaanno ku yaalla waqooyiga Nepal.
Guryo, waddooyin, buundooyin iyo mashaariic koronto ayaa daadadku qaaday, iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay ku khasbanaadeen inay u cararaan meelaha sare. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xaaladda goobaha qaar ay weli aad u adag tahay.
Dowladda Nepal ayaa sheegtay in ugu yaraan 384 qof oo safarro ku jiray gobolka la la’yahay, waxaana ku jira muwaadiniin ka kala socda Hindiya, Nepal, Mareykanka iyo Britain. Warar kale ayaa sheegay in muwaadiniin Kuuriyada Koonfureed ahna la la’yahay.
Khabiirro ayaa sheegay in dhul-go’a iyo daadku laga yaabo inay la xiriiraan dhulgariir ka dhacay deegaanka wax yar ka hor musiibada, inkastoo sababta saxda ah weli la baarayo. Waxaa sidoo kale laga digay in daad kale uu dhici karo haddii xannibaad ka dhalatay dhul-go’a ay sii jirto.
Ciidamada iyo kooxaha samatabbixinta ayaa bilaabay howlgallo lagu raadinayo dadka maqan, iyadoo Shiinaha, Hindiya iyo Nepal ay iska kaashanayaan gurmadka. Mas’uuliyiinta Nepal ayaa dadka ku nool agagaarka wabiyada ugu baaqay inay u guuraan meelaha ammaan ah oo ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

