Tuesday, October 20, 2026

Koonfurgalbeed Oo Hor Jooge U’Aqoonsatay Madaxweynihii Hore Ee Laftagareen

Share

Baydhabo, Soomaaliya – Shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Koonfurgalbeed oo uu shir gudoominayay hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa looga hadlay xaaladda amni ee deegaanadda Koonfurgalbeed iyo xaqiijinta xiriirka ka dhexeeya kooxda Al Shabaab iyo madaxweynihii hore ee maamulka Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Bayaanka laga soo saaray shirkan deg dega ah ee ay yeesheen Golaha Wasiiradda Koonfurgalbeed ayaa yimid kagadaal dagaalkii iyo weeraradii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfurgalbeed 17kii bishan August.

Bayaanka kasoo baxay Koonfurgalbeed ayaa si adag loogu cambaareeyay falalka argagaxisada ah, rabshadaha hubeysan, qaraxyada, dilalka, weerarada iyo isku day kasta oo ay sheegeen in lagu carqaladeenayo amniga iyo xasiloonida, nabad galyada iyo hanaanka dowladnimada Koonfurgalbeed.

Shirka deg degga ah ee Golaha Wasiiradda Koonfurgalbeed ayaa sidoo kale lagu cadeeyay inaysan marnaba aqbali doonin in magaca iyo awooda urur argagaxiso loo adeegsado raadinta himilooyinka shakhsiyadeed, dano gaar ah ama wada shaqeyn lala yeesho kooxaha argagaxisada.

Golaha ayaa faray laamaha amniga Koonfurgalbeed xoojinta amniga magaaladda Baydhabo iyo deegaanadda Koonfurgalbeed. Golaha ayaa cadeeyay in Koonfurgalbeed ka go’antahay ilaalinta hay’adaha dastuurriga ah, sugida amniga iyo badbaadada shacabka, difaaca midnimada, iyo wadajirka bulshada, ilaalinta nidaamka dowladnimadda iyo kala dambeynta, xoojinta wadajirka iyo iskaashiga dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa shirkooda ku go’aamiyay in cid kasta oo isku dayda dano siyaasadeed ama dano gaar ah inay ku gaarto ayadoo adeegsaneysa rabshad, argagaxiso, cabsi galin ama kooxo hubeysan ay ka qaadi doonto talaabooyin adag.

Golaha ayaa u’aqoonsaday madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed iyo xulafadiisa inay yihiin horjoogayaal ka tirsan si rasmi ahna ugu biiray kooxda Al Shabaab, dowladda federaalka iyo maamulka Koonfurgalbeedna ay si wadajir ah ula dhaqmi doonaan sida loola dhaqmo kooxaha argagaxisada ah.

Golaha Wasiiradda Koonfurgalbeed ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay inay xoojiso taageeradda amni iyo ciidan ee Koonfugalbeed ayna xoojiso wadashaqeynta sirdoon ee hay’adaha amni ee heer federal iyo maamul goboleed, qaado talaabooyin sharci iyo amni oo looga hortagayo cidkasta oo ku lug leh falalka lidiga ku ah amniga qaranka.

Read more

Local News