Tuesday, October 20, 2026

Dowladda Federaalka Oo Ka Hadashay Duqeyntii Guriga Taliye Shub ee Doolow

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyntii xalay diyaaradaha Drone ta u geysteen hoygii uu kaga sugnaa taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Taliye Shub” degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska fogeesay eedeynta loo jeediyay ee ah inay ka dambeesay weerarka lagu beegsaday gurigii uu ku sugnaa taliye Shub wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka oo bayaanka dowladda soo saartay ayaa sheegtay “Dowladdu waxay cadaynaysaa inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadaasi, iyadoo xogaha horudhaca ah ee ay heleen hay’adaha amniga muujinayaan in Qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga”.

Dowladda ayaa sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan dhab ah oo dhammaystiran ku sameeya dhacdada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambaysay.

Dowladda ayaa ka digtay wararka ay ku tilmaantay inay yihiin kuwa been abuur ah kuwaas oo lagu faafiyay mareegaha kala duwan ee Baraha Bulshada “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digeysaa in aan lagu kadsoomin wararka been abuurka ah ee ka hordhacaya baaritaanka, kuwaas oo loogu talo galay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed”.

Bayaanka ay dowladda federaalka isaga fogeeneyso weerarka lagu qaaday guriga taliyihii hore ee ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed Janaar Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa yimid kagadaal markii xubnaha mucaaradka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedka Jubaland, agaasimayaashii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka u jeediyeen eeda ku saabsan weerarka guriga taliye Shub in iyadu ka dambeyso.

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay “Nidaamka Xasan Sheekh xuduud kasta wuu dhaafay, waxaana khasab ah in dib loogu laabto hannaanka amniga qaranka oo idil”.

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa dhankiisa sheegay “Waa nasiib-darro in kaalmooyinka ay dunidu inoo soo dirto si aan argagixisada Al-Shabaab uga adkaanno loo adeegsado siyaasiyiinta kasoo horjeeda muddo-kordhinta sharci-darrada ah, iyo xukun-macaashiga Xasan Sheekh iyo kooxdiisa”.

Isbaheysiga siyaasadeed ee Xisbiyada Xaqsoor iyo Haybad Qaran, ra’iisul wasaarayaal iyo madaxweyneyaashii hore ayaa iyaguna ka hadlay duqeynta lala beegsaday guriga taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa geestiisa xusay in “Waa dhacdo ugub ah in beegsi noocan ah uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday u adeegsado siyaasiyiinta ka arragtida duwan, waxayna tallaabadan gurracani dalka dib ugu celinaysaa kala irdhowgii siyaadadeed ee dhaawacay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed” Farmaajo ayaana codsaday in baaris deg deg ah oo madax banaan lagu sameeyo weerarka lagu beegsaday taliyaha.

Duqeyntii habeenkii xalay ka dhacday hoyga taliyihii hore ee ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed ayaa hogaanka mucaaradka ku abuuray tuhun ah in dowladda federaalku ku lug leedahay weerarka halka dowladdu gaashaan u daruurtay sheegashooyinka ka dhanka ah ku lug lahaansheheeda dhacdadan.

Read more

Local News