Tuesday, November 24, 2026

Iiraan Oo Sheegtay Inay Soo Ridday Diyaarad Mareykan Ah

Share

Tehran, Iran – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay inay Maanta soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay, nooca MQ-9, taasoo dul maraysay Jasiiradda Qeshm ee marin-biyoodka Hormuz.

Ciidamada Kacaanka ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirka Iran ay diyaaradda MQ-9 ogaadeen 2:29 aroornimo, ka hor inta aan la soo ridin. Waxay sheegeen in hawlgalka lagu fuliyay iyadoo diyaaradda ay ku sugneyd hawada sare ee Jasiiradda Qeshm, oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo u dhow marin-biyoodka Hormuz.

Ciidanka ayaa sheegay in diyaaraddan ay ahayd tii 52-aad ee nooca MQ-9 ah ee ay soo rideen. Milatariga Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin sheegashada Iran.

IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in Talaadadii ay soo rideen saddex diyaaradood oo nooca MQ-1 ah, kuwaasoo ku duulayay marin-biyoodka Hormuz iyo deegaanada ku xeeran.

Dagaalka ayaa billowday 28-dii Febraayo kadib markii Mareykanka iyo Israel ay weerarro ballaaran ku qaadeen Iran, iyagoo bartilmaameedsaday goobo dowladeed, milatari iyo kaabayaal gantaallo. Iran ayaa kaga jawaabtay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday Israel iyo saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

Read more

Local News