Mogadishu, Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagaya dalka Uganda, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono dhiggiisa dalkaas, Yoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada hadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha amniga gobolka iyo horumarinta xiriirka dhaqaale.
Qodobada muhiimka ah ee ajandaha kulanka waxaa sidoo kale ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo ay ciidamada Uganda door muhiim ah ku leeyihiin.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadli doona qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo labada dowladood ay wadaagaan danaha la xiriira amniga gobolka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo taageerada dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

