Mogadishu, Somalia – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa muddo siddeed maalmood ah ku daray waqtiga loo qabtay ururrada siyaasadeed ee doonaya inay isu diiwaangeliyaan ka qaybgalka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddigu wuxuu sheegay in waqtiga cusub ee kama dambaysta ahi yahay 30-ka Nofeembar 2026, halkii uu markii hore ku ekaa 22-ka isla bishaas.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii guddigu uu helay codsiyo ka yimid qaar ka mid ah ururrada siyaasadeed, kuwaas oo sheegay in muddadii hore aysan ku filnayn diyaarinta iyo dhammaystirka dukumentiyada looga baahan yahay diiwaangelinta.
Ururrada codsiyada gudbiyey ayaa sidoo kale codsaday waqti dheeraad ah oo ay ku buuxiyaan shuruudaha ku xusan xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, gaar ahaan qodobka 11-aad ee xeerkaas.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray Axaddii ayuu ku sheegay in kordhinta muddadu ay waafaqsan tahay awoodaha sharciyeed ee uu siinayo Qodobka 10-aad, farqaddiisa afraad, ee Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Qodobka 7-aad, farqaddiisa (c), ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Waxa kale oo uu go’aanka ku saleeyey dib-u-eegis lagu sameeyey codsiyada la helay iyo ogeysiiskii hore ee 31-kii Oktoobar 2026.
Guddiga ayaa xaqiijiyey in diiwaangelintu u furnaan doonto dhammaan ururrada siyaasadeed ee doonaya inay doorashooyinka ka qayb galaan ilaa 30-ka Nofeembar. Waxa uu ururrada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan waqtiga lagu daray, isla markaana ay ku soo gudbiyaan dukumentiyada iyo shuruudaha looga baahan yahay muddada cusub gudaheeda.

