Mogadishu, Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya, taas oo ku howlan soo saarista shidaalka iyo gaaska. Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo shirkadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya khayraadka dabiiciga ah.
Wadahadallada dhexmaray Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda SONATRACH, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa mashaariic wadajir ah oo la xiriira shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey wafdiga shirkadda, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato khibradda iyo awoodda shirkadaha ku takhasusay sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si loo abuuro fursado dhaqaale oo wax ku ool ah, loona xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha.
Shirkadda SONATRACH ayaa ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Aljeeriya ee ka shaqeeya dhinacyada shidaalka iyo gaaska. Kulankan ayaa muujinaya danaha Soomaaliya ee ku aaddan raadinta iskaashi iyo mashaariic ay la yeelato shirkadaha khibradda u leh ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah.

