Dhahran, Saudi Arabia – Shirkadda shidaalka ee Sacuudiga, Aramco, ayaa amartay in shaqaalaha laga daadgureeyo xarunteeda dhexe ee magaalada Dhahran, isla markaana ay shaqada ka sii wataan meelaha fog, sida ay Khamiistii Reuters u sheegeen lix qof oo xog-ogaal u ah arrintan. Tallaabadan ayaa timid iyadoo dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen uu sii xoogeysanayo, kaddib weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday dalkaas.
Go’aanka daadgureynta ayaa daba socda weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga, kuwaas oo bartilmaameedsaday shirkadda Aramco iyo garoomada diyaaradaha. Wararka ayaa sheegaya in weerar hore oo lagu qaaday xarunta Aramco uu dab ka kacay dhismaha, kaas oo waxyeello gaarsiiyay dhowr dabaq. Shirkaddu kama aysan jawaabin codsi Reuters ay ku weydiisay faahfaahin ku saabsan sababta daadgureynta, mana cadda waxa si gaar ah keenay go’aanka.
Dagaalka cusub ee Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa soo afjaray xabbad-joojintii ay Qaramada Midoobay dhex-dhexaadisay sanadkii 2022, taas oo inta badan hakisay weerarrada xuduudaha isaga gudba. Iskahorimaadkan ayaa sidoo kale ku soo biiray xiisadaha ka dhashay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran. Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Khamiistii sheegay inuu ka hortagay diyaarado aan duuliye lahayn oo ku wajahnaa Riyadh iyo Madiina.
Sacuudiga ayaa dhankiisa sheegay inuu qaaday weerarro ka dhan ah goobaha laga soo rido gantaallada Xuutiyiinta, isagoo ku adkeystay inuu ilaalinayo amniga dalka. Khamiistii, Xuutiyiintu waxay sidoo kale sheegeen inay gurmad u fidinayaan doon ay saarnaayeen 14 qof oo Hindi ah, taas oo la weeraray meel u dhow jasiiradda Jabal Zuqar, halkaas oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab. Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga ku eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarka, balse dowladda Sacuudiga kama aysan jawaabin eedeyntaasi.
Weerar kale oo Xuutiyiintu Arbacadii fiidkii ku qaadeen garoonka diyaaradaha King Fahd ee magaalada Dammam ayaa sababay dhimashada laba qof, oo kala ahaa muwaadin Sacuudi ah iyo qof Hindi ah, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen. Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa Khamiistii sheegtay in howlihii garoonka dib loo bilaabay, isla markaana isu-socodka diyaaradaha uu caadi ku soo noqday. Xuutiyiinta ayaa bishan uga digay shirkadaha diyaaradaha inay isticmaalaan hawada Sacuudiga, iyagoo sii wada weerarrada ay ku beegsanayaan garoomada dalkaas.

