Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay dagaal ciidamadda xoogga ku qabsaday Deegaanka Jameeco ee degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in, “Ciidamadda dowladdu weerar ku qaadeen deegaanka Jameeco halkaasoo ay jab xooggan ugu geysteen kooxda Al shabaab,” iyadoo wasaaraddu intaas ku dartay in dagaalkan ku dishay ku dhawaad 75 qof oo ka tirsan ururka Alshabaab halka ay ku dhaawacday 56 kale.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay khasaaraha soo gaaray ciidanka dowladda ayaa sheegtay in ciimadamadu lakulmeen gawaari walxaha qarxa laga soo buuxshay kuwaas oo ay Al Shabaab ku soo weerareen ciidamadda dowladda iyadoo ay ka dhasheen waxyeelo soo gaaray qaar kamid ah gaadiidka ciidamadda xoogga.
War saxaafadeedka wasaaradda ayaa yimid kadib markii la faafiyay warbixino tibaaxaya in ciidamadda dowladdu lakulmeen khasaare laxaad leh kadib markii lagu duqeeyay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ka ah.
Ciidamadda Dowladda ayaa dadaal ugu jira sidii ay dib ugula wareegi lahaayeen degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay kagadaal markii ay la wareegeen xooggaga taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed ee laga saaray deegaanadda Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
