Seoul, South Korea – Madaxweynaha Türkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu u socdaalo Koonfurta Kuuriya halkaasoo uu kula kulmi doono dhigiisa Lee Jae Myung.
Erdogan ayaa booqashadiisa rasmiga ah ee Koonfurta Kuuriya ee socon doonta mudadda saddexda maalmood ah oo ka bilaabmeysa Isniinta kuna Arbacada la filayaa inuu Talaadada la kulmo madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Lee Jai Myung.
Booqashada Erdogan ee Koonfurta Kuuriya ayaa noqoneysa tii ugu horeesay ee uu ku tago dalkaas tan iyo 2018-ka iyadoo sidoo kale kulanka labada hogaamiye uu noqonayo kii labaad ee ay isku arkaan muddo 4 bilood gudahood ah kadib shir madaxeedkii NATO ee qabsoomay July sanadkan 2026-ka.
Kulanka ay yeelanayaan labada madaxweyne oo bilaabnaya galnka dambe ee Talaadada ayaa la filayaa inuu ka koobnaado soo dhaweyn; xaflad soo dhaweyn rasmi ah, saxiixa heshiis is afgarad MOU iyo casho sharafeed.
Madaxa xiriirka Turkiga Burhanettin Duran ayaa sheegay in kulanka maalinta Talaadada ah looga hadli doono dhamaanba dhinacyada Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal.
