Carta, Jabuuti – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo safar shaqo ku jooga jamhuuriyada Jabuuti ayaa booqday magaaladda taariikhiga ah ee Carta.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Carta booqday Madxafka Taariikhda oo ay hore xariga uga jareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Taalada Nabadda iyo goobihii ay ka dhaceen dhacdooyinkii muhiimka u ahaa dib-u-dhiska Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, gaar ahaan nabadda, xasilloonida iyo midnimada dalkeenna, wuxuuna si gaar ah, ugu mahadceliyey shacabka reer Carta oo xusuus gaar ah ku leh halgankii dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale booqday dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee Jabuuti, ee ay ka midka yihiin Aagga Ganacsiga Xorta ah ee PK23 (PK23 Free Zone), Dekedda Konteenarrada ee Doraleh (SGTD) iyo Dekedda Adeegyada Kala Duwan ee Doraleh (DMP).
Magaaladda Carta ee dalka Jabuuti ayaa ah magaalo saldhig iyo xusuus u ah yagleelida dowlad Soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta kadib burburkii dalka sanadkii 1991 ka.

