Washington, US – Xisbiga Dimuqraadiga ayaa guul weyn ka gaaray doorashooyinkii dhexe ee Mareykanka, kaddib markii uu la wareegay gacan ku haynta labada aqal ee Kongareeska, Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka, taasoo dhabar-jab siyaasadeed ku noqotay Madaxweyne Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga.
iyadoo Abdul El-Sayed uu ku guuleystay kursiga Aqalka Senate-ka ee gobolka Michigan, halka Ilhan Omar ay mar kale ku guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada ee Minnesota. Guusha El-Sayed ayaa taariikhi noqotay, maadaama uu noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Senate-ka Mareykanka.
Doorashadan oo dhacday Talaadadii ayaa Dimuqraadiyiintu ku guuleysteen kuraas badan oo hore ugu jiray gacanta Jamhuuriga, oo ay ku jiraan deegaanno muddo dheer taageeri jiray xisbiga talada haya. Guulahaas ayaa beddelay awood-qaybsigii siyaasadeed ee Washington, iyadoo xisbiga Jamhuurigu luminayo aqlabiyaddii uu ku lahaa labada aqal.
Natiijada doorashada ayaa muujisay sida ay codbixiyeyaasha qaarkood uga caroodeen siyaasadaha maamulka Trump, gaar ahaan xaaladda dhaqaale, sare u kaca qiimaha nolosha iyo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Iiraan oo saameeyay qiimaha shidaalka. Trump ayaa qiray in dagaalka Iiraan uu qeyb ka qaatay guuldarrada xisbigiisa.
La wareegidda Kongareeska ayaa Dimuqraadiyiinta siinaysa awood ay ku hor istaagi karaan hindise-sharciyeedyada maamulka Trump, baaritaanno ku sameyn karaan siyaasaddiisa iyo inay diidi karaan qaar ka mid ah magacaabista xilalka sare ee dowladda. Hoggaamiyaha Dimuqraadiyiinta ee Aqalka Wakiillada.
Guuldarradan ayaa imaanaysa iyadoo Trump uu wajahayo labadii sano ee ugu dambeysay ee muddo-xileedkiisa, xilli Dimuqraadiyiintu ay isku diyaarinayaan inay Kongareeska ku adeegsadaan awooddooda cusub. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa weli haysta awoodda madaxweyne ee uu ku diidi karo sharciyada uu Kongareesku ansixiyo.

