Galmudug, Somalia – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa Jimcihii ciidamada ammaanka maamulka ku wareejiyay gaadiid, hub iyo qalab milatari oo uu si gaar ah u lahaa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.
Qalabkan oo hore loogu adeegsaday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa hadda si rasmi ah loogu wareejiyay dowladda, waxaana lagu sheegay in ay ka mid noqonayaan hantida ciidamada ammaanka, xitaa marka uu dhammaado muddada xil-haynta madaxweynaha. Hase yeeshee, bayaanku ma sheegin tirada gaadiidka iyo hubka la wareejiyay.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna dhacday maalin kaddib caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug. Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in dhismaha hay’adaha dowladda uu u baahan yahay in awoodda iyo hantida amniga lagu hoos hayo gacanta hay’adaha rasmiga ah, halkii ay si gaar ah u lahaan lahaayeen shaqsiyaad, ganacsato ama siyaasiyiin.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada ammaanka, laguna dardargelinayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si amniga looga sugo magaalooyinka iyo deegaannada miyiga ah ee weli ay kooxdaasi ka joogto qaybo ka mid ah gobolka. Wuxuu sidoo kale xusay in amni la isku halleyn karo uu fursad u abuuri karo maalgashiga, ganacsiga iyo dalxiiska.
Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay in wareejinta qalabkan ay farriin u tahay hoggaamiyeyaasha, siyaasiyiinta iyo dadka kale ee sida gaarka ah u haysta hub iyo agab milatari, gaar ahaan kuwa ku sugan Galmudug. Maamulka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo lahaanshaha dowladda ee hantida amniga iyo awoodda hay’adaha dowliga ah.

