Beledweyne, Somalia – Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa dagaalyahannada beesha Xawaadle ugu baaqay inay isugu yimaadaan magaalada Beledweyne, si ay u difaacaan bulshada iyo deegaanka Hiiraan, xilli ay gobolka ka taagan yihiin xiisado amni iyo kuwo siyaasadeed.
Ugaaska ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa magaalada Beledweyne, isagoo ku eedeeyay kooxo uu sheegay inay magaca beelaha ku gabbanayaan inay weerar ku hayaan shacabka Hiiraan. Wuxuu si gaar ah ugu baaqay xubnaha beesha Xawaadle ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka inay dib ugu soo laabtaan gobolka.
Baaqan ayaa imaanaya iyadoo maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah ay la wareegeen agagaarka hoyga Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifaatax Xasan Afrax, oo ku yaalla xaafadda Ceel Jaale ee Beledweyne. Ugaas Yuusuf ayaa sidoo kale ciidamada dowladda ugu baaqay inaysan ka qeyb qaadan howlgallo ka dhan ah dadka reer Hiiraan.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ka soo baxay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ay ku sii jeedaan magaalada Beledweyne, si ay taageero u siiyaan maamulka Hirshabeelle. Weli lama xaqiijin tirada ciidamadaasi, cidda amartay dhaq-dhaqaaqooda iyo inay wax iska horimaadyo ahi dhaceen.
Xiisaddan ayaa soo xoogeysatay kaddib markii Cali Cabdullaahi Guudlaawe dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle, taasoo dhalisay khilaafyo siyaasadeed oo gobolka ka taagan. Ugaas Yuusuf ayaa bulshada Hiiraan ugu baaqay inay subaxda xigta isugu timaaddaan hoygiisa, halka aysan weli jirin wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka ama maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan eedeymaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada.

