Mogadisho, Somalia – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii magaalada Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayay isku-duwidda xogta dhaqaalaha qaranka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee qaabilsan ururinta, diyaarinta iyo falanqaynta xogaha dhaqaalaha.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo hannaan mideysan oo ay ku wada shaqeeyaan hay’adaha dowladda, si loo helo xog dhaqaale oo sax ah, isku waafaqsan, isla markaana waqtigeeda lagu diyaariyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Suleymaan Sheekh Cumar, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee qorshahan ay tahay mideynta awoodaha iyo khibradaha hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrimaha dhaqaalaha, si loo helo nidaam qaran oo lagu kalsoonaan karo.
Wuxuu xusay in xogaha dhaqaalaha Soomaaliya ay ku kala baahsan yihiin hay’adaha dowladda iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay, taas oo mararka qaar keeni karta warbixinno kala duwan oo aan is waafaqsanayn. Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay hannaan mideeya xogaha kala duwan si looga fogaado is-khilaafka warbixinnada.
Hindisahan waxaa qeyb ka ah afar hay’adood oo kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliya. Iskaashigooda ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto tayeynta xogta rasmiga ah, qorsheynta dhaqaalaha iyo go’aan-qaadashada dowladda.
