Mogadisho, Somalia – Dowladda Soomaaliya iyo dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga milatari ee labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta tababarka, aqoonta iyo xirfadaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Taliska Tababarka iyo Cilmiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Taliska Tababarka, Takhasuska iyo Cilmiga Ciidanka ee Talyaaniga (COMFORDOT). Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo ballaarin lahaa wada shaqeynta labada dhinac ee dhinaca tababarka ciidamada.
Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta xirfadaha gaarka ah ee milatariga, tayeynta manhajyada tababarka iyo sare u qaadista aqoonta iyo kartida saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed. Iskaashigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo leh aqoon iyo xirfad milatari oo heer sare ah.
Intii ay ku sugnaayeen Soomaaliya, wafdiga Talyaaniga ayaa kormeer ku sameeyay kulliyadaha milatariga iyo xarumaha tababarka ee hoos yimaada Taliska Tababarka iyo Cilmiga Ciidanka Xoogga Dalka. Wafdiga ayaa halkaasi ku qiimeeyay kaabayaasha xarumaha, qalabka la adeegsado iyo howlaha tababar ee xilligan socda.
Kulankan ayaa noqonaya kulankii labaad ee ay yeeshaan khubarada milatariga ee labada dal, waxaana uu muujinayaa sii socoshada iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Talyaaniga. Labada dowladood ayaa dadaalladooda ku wajahaya xoojinta hay’adaha tababarka iyo dhismaha awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
