Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar oo lagu caleemo-saarayay hoggaanka maamulka Hirshabeelle. Waxa uu dadka reer Hiiraan ugu baaqay inay doortaan magaalo leh amni iyo xasillooni, isla markaana ay dadku si nabad ah ugu noolaan karaan ugana shaqaysan karaan.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in caasimaddu tahay xarunta maamulka iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la helo heshiis siyaasadeed iyo dammaanad amni. Waxa uu sheegay in marka hore wax laga beddelo dastuurka Hirshabeelle oo hadda dhigaya in Jowhar ay tahay caasimadda maamulka, kaddibna la xaqiijiyo amniga magaalada cusub.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalku markii hore qorshaysay in magaalada Buuloburde laga dhigo caasimadda Hirshabeelle, balse arrintaasi aysan suuragelin, kaddibna shir dambe lagu go’aamiyay in Jowhar noqoto caasimadda. Waxa uu xusay in aanay jirin wax diidmo ah oo ku aaddan in caasimadda mustaqbalka laga raro Jowhar, loona wareejiyo magaalo ka tirsan Hiiraan ama Shabeellaha Dhexe, haddii heshiis laga gaaro.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay gobolka Hiiraan ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka dhashay doorashadii hoggaanka Hirshabeelle. Magaalada Beledweyne ayaa noqotay xarunta mucaaradka kasoo horjeeda hoggaanka dib loo doortay, waxaana xiisaddu sii korortay kaddib markii magaalada ay gaareen Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee maamulka, Cabdifataax Xasan Afrax, iyo madaxii hore ee hay’adda sirdoonka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo ay la socdeen kooxo hubeysan.
