Antalya, Turkey – Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ka hor shirka hoggaamiyeyaasha COP31, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga Soomaaliya iyo isbeddellada guud ee ka socda gobolka.
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda ku kala qaatay aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee sii kobcaysa iyo caqabadaha amni ee gobolka, iyagoo isla qiray muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wadahadalka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah oo wax looga qabanayo caqabadaha gobolka, laguna horumarinayo nabadda iyo xasilloonida guud.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kulanka kaddib qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xaaladda amniga dalka iyo arrimaha kale ee gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadalka iyo iskaashiga.
Kulankan ayaa qabsoomay iyadoo labada hoggaamiye ay ku sugan yihiin dalka Turkiga, halkaas oo ay uga qaybgalayaan shirka hoggaamiyeyaasha COP31, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha isbeddelka cimilada.