Jeddah, Saudi Arabia – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Al-Rabiici, ayaa magaalada Jeddah ku kala saxiixday heshiiska qoondada Xajka Soomaaliya ee sannadka 1448 Hijriyada, kuna beegan 2027-ka.
Heshiiska oo sannadle ah ayaa dhigaya in Soomaaliya loo qoondeeyo 11,500 oo xujey Soomaaliyeed ah, kuwaas oo fursad u heli doona gudashada waajibaadka Xajka sannadka 2027-ka.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmihii u dambeeyay booqasho shaqo ku joogay Sacuudi Carabiya, iyagoo ka qaybgalayay Madasha Xajka iyo Bandhigga Adeegyada Xajka, oo ay isugu yimaadaan wakiillo iyo mas’uuliyiin ka socda dalalka Muslimiinta.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada loo fidiyo xujeyda, xoojinta iskaashiga dalalka Muslimiinta iyo diyaar-garowga howlaha Xajka ee sannadka soo socda. Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Jeddah, Cabdiwali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinaafic, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee diyaarinta iyo fududeynta adeegyada Xajka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee loo xusho gudashada waajibaadkaas loogu xaqiijiyo adeegyo wanaagsan iyo hab-maamul hufan.
