Mogadisho, Somalia – Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa Talaadadii dalka dib ugu soo celisay 171 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xarumaha dadka lagu hayo ee dalka Liibiya.
130 ka mid ah dadka la soo celiyay ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka 41 kale diyaarad lagu geeyay magaalada Hargeysa. Dadka dib loo soo celiyay waxaa ku jiray 31 haween ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan qaxootiga iyo barakacayaasha, Maryan Yaasiin, ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay muwaadiniinta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa soo dhoweeyay muwaadiniinta, isagoo sheegay in kooxdan ay isugu jiraan rag iyo haween soo maray xaalado adag intii ay ku xirnaayeen Liibiya. Dhankeeda, Maryan Yaasiin ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay tan iyo bilowgii sanadkan hirgelisay 10 duulimaad oo muwaadiniinta looga soo daadgureeyay Liibiya, iyadoo qorshuhu yahay in la sameeyo duulimaadyo kale.
Dib u soo celinta muwaadiniintan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka, kuwaas oo lagu caawinayo Soomaalida ku sugan xaaladaha adag ee Liibiya, laguna fududeynayo inay si nabad ah dalkooda ugu soo laabtaan.
