Al-Qahira, Egypt – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Masar, Dr. Cabdulcasiis Qansuwa, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarashada ee labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada tacliinta sare iyo cilmi-baarista, gaar ahaan sidii loo fududayn lahaa helitaanka deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaysa jaamacadaha Masar.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyaga oo xoogga saaray horumarinta waxbarashada, is-weydaarsiga aqoonta iyo tayeynta xirfadaha ardayda iyo khubarada Soomaaliyeed.
Wasiirka Tacliinta Sare ee Masar ayaa sheegay in dalkiisu Soomaaliya u soo bandhigi doono fursado waxbarasho oo kala duwan oo laga heli karo jaamacadaha dalkaas, si ardayda Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan heerarka kala duwan ee waxbarashada jaamacadeed.
Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta adeegyada waxbarasho ee ay mudnaanta leeyihiin ardayda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Masar taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya. Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjire Kariim Shariif, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika.