Tuesday, November 24, 2026

Garoomada Berbera iyo Boosaaso oo Loo Adeegsanayo Dhaqdhaqaaqyada Milatari ee Gobolka

Share

Berbera somalia – Warbixin baaritaan ah oo ay baahisay wargeyska The New York Times ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta uu garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Berbera, oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, u beddelay xarumo waaweyn oo ciidan, kuwaas oo loo adeegsanayo dhaqdhaqaaqyo milatari iyo saameynta gobolka.

Warbixinta oo ku saleysan sawirro dayax-gacmeed, xogta dabagalka diyaaradaha iyo baaritaan muuqaal ah, ayaa muujineysa dhismayaal ciidan, hangarro, goobo lagu dejiyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, xarumo difaac iyo dhismayaal dhulka hoostiisa ah oo laga sameeyay labada garoon.

Wargeyska ayaa sheegay in garoonka Berbera uu sanadihii ugu dambeeyay ka gudbay garoon diyaaradeed oo caadi ah, una muuqdo xarun ciidan oo ballaaran, iyadoo la dhisay goobo lagu keydiyo qalabka militariga, difaacyo iyo meelaha laga ilaaliyo weerarrada.

Sawirrada cusub ayaa sidoo kale muujinaya diyaarado xamuul oo ka yimaada saldhigyada militariga Imaaraadka, gaadiid lagu keydiyo hangarro iyo gaadiid kale oo la sheegay in loo diyaarinayo in loo qaado goobaha colaadaha ee Suudaan iyo Itoobiya.

Boosaaso ayaa iyaduna lagu arkay dhismayaal la mid ah kuwa Berbera, oo ay ku jiraan hangarro diyaaradeed, goobo ay ku degi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, dhismayaal dhulka hoostiisa ah iyo nidaam difaaca cirka ah.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in sawirrada Boosaaso lagu arkay diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo la rumeysan yahay in Imaaraadku u adeegsan karo howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Read more

Local News