Tuesday, November 24, 2026

Soomaaliya Oo Soo Gabagabeysay Ka-qaybgalkeedii Shirweynaha COP31 Ee Turkiga

Share

Antalya, Turkey – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay ka-qaybgalkeedii Shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), kaas oo magaalada Antalya ee dalka Turkiga ka socday intii u dhexeysay 9-kii ilaa 20-kii November 2026. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay wafdiga Soomaaliyeed si loo qiimeeyo waxqabadkooda iyo natiijooyinkii laga gaaray shirka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta qaranka Soomaaliya ee shirka ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta dalka ee arrimaha cimilada, doorkii diblomaasiyadeed ee wafdiga iyo fursadaha iskaashi ee la helay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Axmed Cali, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan wada-hadalladii caalamiga ahaa, kulamadii heerka sare iyo dadaalladii lagu xoojinayey xiriirka Soomaaliya iyo dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Intii uu socday shirweynaha, Soomaaliya waxay bulshada caalamka u soo bandhigtay saameynta abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, biyo-yaraanta iyo xaalufka deegaanka. Dowladda ayaa sidoo kale ku baaqday in dalalka nugul, gaar ahaan Soomaaliya, la siiyo maalgelin iyo taageero ku filan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadda cimilada, iyadoo mudnaanta siinaysa helitaanka maalgelin caddaalad ah oo si fudud loo heli karo. Wuxuu xusay in mudnaanta dalka ay ka mid yihiin sugnaanta biyaha iyo cuntada, horumarinta beeraha u adkeysan kara isbeddelka cimilada, tayeynta saadaasha hawada, ballaarinta tamarta nadiifka ah iyo dib-u-soo-celinta dhulka xaalufay.

Gebagebadii, wasiirka ayaa uga mahadceliyey xubnaha wafdiga dadaalkooda iyo matalaadda ay Soomaaliya ku yeesheen shirweynaha, isagoo ku boorriyey in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada iyo bahwadaagta caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ah in ballanqaadyadii iyo fursadihii COP31 loo beddelo maalgelin iyo mashaariic wax ku ool ah oo xoojiya adkeysiga bulshada iyo horumarka dalka.

Read more

Local News