21-kii Diseembar 2025, magaalada Kismaayo ayaa lagu soo gabagabeeyay shir ay yeesheen xubno ka tirsan mucaaradka, oo kaashanaya maamullada Puntland iyo Jubbaland. Shirkaasi kaddib waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ay xubnuhu si cad ugu baaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu 20-ka Janaayo 2026 isugu yeero shir qaran oo looga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, kaas oo lagu qabanayo Muqdisho.
Xubnaha mucaaradka ayaa ku goodiyay in haddii madaxweynuhu iska indha-tiro baaqaasi, ay shir u gaar ah ku qabsan doonaan magaalada Garoowe, halkaasna ay kaga dhawaaqi doonaan dhismaha dowlad kale oo gooni ah, tallaabo halis ku ah midnimada iyo xasilloonida dalka.
Kaddib soo saarista war-murtiyeedkaasi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu aqbalay wada-hadal si loo helo is-faham siyaasadeed oo looga gudbo khilaafaadka jira. Madaxweynaha ayaa durba kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wada hadlay tabashooyinka mucaaradka iyo suuragalnimada qabashada kulan ballaaran oo ay isugu yimaadaan dowladda iyo mucaaradku.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaasi kaddib, waxaa dalka soo wajahay arrimo culus oo siyaasadeed, kuwaas oo ay ka mid tahay Israel oo aqoonsi siisay maamulka Somaliland, arrin ay falanqeeyayaashu sheegeen inay ka mashquulisay dadaalladii ku aaddanaa shirka ay ku baaqeen xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, magaalada Garoowe ayaa waxaa shir uga furmay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dooday diyaarinta tubta wada-xaajoodka doorashooyinka dalka, si waafaqsan go’aannadii kasoo baxay Shirkii Aayo-ka-tashiga Kismaayo, gaar ahaan qodobada 6-aad iyo 7-aad.
Qodobka 6-aad ayaa dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu muddo bil gudaheed ah, kuna eg 20-ka Janaayo 2026, isugu yeero saamileyda siyaasadeed si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda. Qodobka 7-aadna wuxuu xusayaa in haddii madaxweynuhu ka gaabiyo baaqaasi, Golaha Mustaqbalka uu qaadi doono tallaabooyin kale oo ay ka mid yihiin qabashada doorasho, si looga hortago firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.
Iyadoo laba maalmood oo keliya ay ka harsan tahay muddadii ku ekeyd 20-ka Janaayo, su’aalo waaweyn ayaa taagan:
Maxay noqon doontaa tallaabada Dowladda Federaalka? Maxaase laga filan karaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed?
Jawaabaha su’aalahan ayaa la filayaa inay si cad u soo baxaan 20-ka Janaayo iyo wixii ka dambeeya.

