Thursday, August 27, 2026

Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Dhex-qaraxdey Maamulka BuurHakaba iyo Laftagareen

Share

MUQDISHO – Xiisad siyaasadeed oo laga cabsi qabo in ay isku rogto dagaal hubeysan ayaa ka qaraxdey Buurhakaba kaddib markii maamulka, saraakiisha ciidanka, odaayasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta matala deegaanka ay shaaciyeen in ay joojiyeen wadashaqeyntii Maamulka Koonfur Galbeed.

Talaabadan ayaa imaanaysa todobaad kadib markii Xildhibaanada heer federaal ee matala degmada Buurhakaba ay madaxwayne Laftagareen ku eedeeyeen in uu siyaasadeeyay in gargaar ay gaarsiiyaan dadka ay abaarta saameysay.

Gudoomiyaha degmada Ibraahim Leysaamo ayaa sheegay in garoonka magaaladda ay si isku-tashi ah u dhisteen shacabka iyo siyaasiyiinta degmada, iyadoo aan la helin kaalmo dowladeed.

Dhanka kale, Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta matala degmadda oo horey u sheegay in maamulka Laftagareen uu ka xanibay gargaar ay u wadeen BuurHakaba ayaa qoraal wadajir ah ku taageeray go’aanka maamulka, saraakiisha ciidanka, iyo odaayasha dhaqanka degmada BuurHakaba.

Sikastaba, dhawaaqa kasoo yeeray Buurhakaba ayaa loo arkaa mid saameyn ku yeelan kartta xasilloonida maamulka Koonfur Galbeed iyadoo horey loo sheegay in dadka ka aragti duwan maamulka ay caqabado kala kulmeen tegista Baydhabo.

Dhinaca kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka jawaabin eedeymaha. Buurhakaba ayaa noqon karta meel ay ku xoogaystaan siyaasiyiinta mucaaradka, maadaama ay tahay degmo istaraatiiji ah oo isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, isla markaana waddo kale ku xirta Beledweyne.

Read more

Local News