Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin madaxda Puntland, Jubaland iyo xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kutaageerayaan go’aanka maamulka Koonfurgalbeed ay xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha golaha Maxamed Aadan Koofi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in goluhu soo dhaweynayo go’aanka madaxweynaha Koonfurgalbeed kucadeeyay in dastuurkii 2012 ka yahay kan rasmiga ah, uuna xoojinayo nidaamka federaalka iyo midnimada dalka.
Golaha Mustaqbalka ayaa taageero umuujiyay dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ay qabato doorasho daah furan, loo dhanyahy, waafaqsanna dastuurkii 2012 ka.
Dhanka kale Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada Galmudu, iyo Hirshabeele qabashada doorasho dagdag ah oo loo dhanyahay, heshiis lagu yahay, kuna saleysan dastuuradooda iyo mabaadii ‘da federaalka ee dastuurka kumeel gaarka.
Golaha Mustaqbalka ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga digay kutagrifalka ciidanka xoogga dalka, iyo kuwa amniga ee lagu xalinayo khilaafaadka siyaasadeed, Golaha ayaa tilmaamay in talaabooyinkaas aanay kaliya aheyn sharci darro, balse ay wiiqayaan awoodaha iyo sumcada ciidanka, sidoo kalana fursad siinaya kooxaha nabad diidka ah inay kafaa’ideystaan kala qeybsanaanta gudaha.
Warsaxaafadeedka Golaha ayaa madaxweynaha xusuusiyay cawaaaqibka dhacdadii Raaskambooni ay ciidanka dowladda kula dagaalameen kuwa maamulka Jubaland ay tahay mid aan la iska indha tiri karin.

