Muqdisho, Juun 24, 2026 โ Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ), Hayโadda Socdaalka Switzerland (SEM) iyo Hayโadda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho uga daah-furay mashruuca โKobcinta Awoodaha Maareynta Xuduudaha Soomaaliya ee Horumarinta Amniga Qaranka โ Wajiga IIโ, kaas oo loogu talagalay xoojinta awoodaha Soomaaliya ee maareynta xuduudaha, kor u qaadista amniga iyo horumarinta nidaamyada maamulka socdaalka.


Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana ka qayb galay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Hayโadda Socdaalka Switzerland (SEM), Danjire. Hendrick Krauskopf, masuuliyiin ka socotay IOM iyo madax kale oo ka tirsan HSJ.


Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa uga mahadceliyay Dowladda Switzerland taageerada joogtada ah ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in mashruucani uu wax weyn ka tari doono horumarinta maamulka xuduudaha iyo kaabayaasha adeeg bixinta sida dib-u-dhiska Xarunta Dhexe ee Baasaboor Bixinta ee Muqdisho.


Dhankooda, Madaxda SEM iyo IOM ayaa adkeeyay sida ay uga goโan tahay sii wadidda taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyaga oo bogaadiyay horumarka ay HSJ ka sameysay dib-u-habaynta hayโadda, casriyeynta adeegyada iyo xoojinta maamulka socdaalka.


