Friday, October 30, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Austria Oo Booqanaya Shiinaha Todobaadka Soo Socda

Share

Beijing, China – Ra’iisul wasaaraha Austria Christian Stocker ayaa la filayaa inuu booqasho qaadaneysa muddo todobaad ah ku tago Shiinaha sida ay ku warantay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.

Booqashadan oo ka bilaabaneysa 02 da November ayuu Stocker ku bixin doonaa dalka Shiinaha booqashada ayaa lafilayaa inay soo gaba gabowdo 07 November.

Shiinaha iyo Austria ayaa xiriirkooda diblomaasiyadeed yagleelay sanadkii 1975 kii iyagoo sanadkan u dabaal dagaya sanadguuradoodii 55 aad ee ka soo wareegtay asaaska xiriirka labada dal.

Mugga Ganacsi ee labada dal ayaa afar laab 50 kii sano ee la soo dhaafay oo uu xiriirkoodu unkanaa, iyadoo sanadkii 2025 ka uu gaaray mugga ganasi ee Shiinaha iyo Austria 12.5 billion iyadoo Shiinuhu yahay wadanka sadexaad ee ganacsiga ugu badan la wadaaga Austria.

Read more

Local News