Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqday gogosha tacsida Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, isaga oo tacsi iyo duco la wadaagay qoyskiisa, eheladiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saxiixay buugga tacsida marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, hoygiisana ka yeelo Jannatul Firdows, qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay dowlad-dhiska dalka, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamaanka Kumeelgaarka ahaa intii u dhexeysay 2004 ilaa 2012, waxaana sannadkii 2005 loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, isaga oo markii dambe soo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Marxuumka ayaa 17-kii Oktoobar 2016 loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, xilli la dhisay maamulka mideeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, muddadii uu xilka hayay waxa uu hoggaaminayay dhismaha hay’adihii ugu horreeyay ee maamulka iyo dejinta qaab-dhismeedka dowladnimo ee Hirshabeelle.
Ka hor intii uusan siyaasadda si buuxda ugu biirin, Cali Cabdullaahi Cosoble waxa uu ka soo shaqeeyay hay’ado ay ka mid tahay Oxfam iyo Bangiga Horumarinta Soomaaliya, isaga oo sidoo kale waxbarasho jaamacadeed ku qaatay dalka Mareykanka.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xilka madaxweynenimo ka qaaday 14-kii Agoosto 2017, kaddib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay isaga iyo xildhibaannada maamulka.

