Mogadisho, Somalia – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal militari oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan lagu dilay laba xubnood oo muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Howlgalka ayaa dhacay 26-kii November, waxaana fulintiisa iska kaashaday ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.
Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Abuukar, oo naanaystiisu ahayd Abuu Khaalid, iyo nin kale oo lagu magacaabi jiray Ayuub. Sida ay NISA sheegtay, raggan ayaa masuul ka ahaa hoggaaminta dagaalamayaasha kooxda ee ka howlgala degmada Raaga-Ceelle iyo deegaanka Afarta Tuulo.
War-saxaafadeedka hay’adda ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka lagu dhaawacay laba xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxda. Macallin Mursal ayaa ka mid ahaa dadka dhaawacmay, waxaana lagu sheegay inuu qaabilsanaa arrimaha beeraha iyo kanaallada ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halka Faysal uu masuul ka ahaa dagaalamayaasha Xisbada ee degmada Jalalaqsi.
NISA waxay sheegtay in xubnaha la beegsaday ay tababar muddo lix bilood ah ku qaadanayeen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ay dhowaan soo dhammaysteen. Hay’addu waxay xogtan ku dartay faahfaahinta ay ka bixisay howlgalka iyo dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay.
Sida lagu xusay bayaanka, howlgalka ayaa la fuliyay xilli xubnahaasi ay diyaarinayeen qorshayaal lagu dhibaateyn lahaa dadka rayidka ah, gaar ahaan bulshada ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha. NISA ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay qeyb ka tahay hawlgallada ka dhanka ah xubnaha Al-Shabaab ee lagu eedeynayo inay khatar ku yihiin amniga iyo nolosha shacabka.

