Thursday, August 27, 2026

Madaxwayne Cabdiraxmaan Ciro Oo Qaabilay Wadfdi Sarre Ka Socday Mareykanka

Share

HARGEYSA, Somaliland – Wafdi saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka ayaa maanta booqday Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira Amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga u dhaxeeya Mareykanka & Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa warbixin siiyay saraakiisha Mareykanka, isagoo kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga.

Saraakiisha Sare ee Ciidamada Mareykanka Bariga Afrika waxa ay Somaliland ku boggaadiyeen amniga, xasiloonida iyo kaalinta ay ka qaadaneyso nabad galyada Geeska Afrika.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa u ballanqaaday in ay Somaliland ka taageeri doonaan dhinaca Amniga iyo tababarada si ay awood ugu yeelato horumarinta.

Read more

Local News