MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo digreeto soo saarey ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).
Sidda ku xusan wareegtadda, Guudlaawe ayaa talaabada waxa uu qaadey ka gadaal markii uu tixgeliyay talo-soojeedinta madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed.
Gudoomiyaha cusub, Mr Sufurow, ayuu ku dhiirageliyay in uu kasoo dhalaalo waajibaadkiisa isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badna ula wareegto waajibaadkiisa.
Mas’uulka xilka laga qaadey, Mr Jayte, ayaa waxa uu astaan u ahaa la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab gaar ahaan howlgaladda waqti-xaadirkan ka soconaya qeybo kamid ah waddanka.
