Home HIRSHABELLE Taliye ku dhintey dagaal ka qarxay caasimadda Puntland

Taliye ku dhintey dagaal ka qarxay caasimadda Puntland

0

GAROWE, Puntland – Taliyihii Ilaaladda Madaxweynaha Puntland ee Qardho, Cabdifitaax Warsame Rooti, ayaa lagu waramay in uu kamid noqdey dadka ku geeriyoodey dagaalka saaka ka qarxay magaala madaxda Garowe.

Xaalad deganaanshiyo aan cago badan ku taagneyn ayaa laga dareemayaa caasimada Puntland ee Garowe.

Magaalada ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan xukuumada madaxwayne Deni iyo mucaaradkiisa.

Iska-hor-imaadka ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Xildhibaanada ay u coddeeyeen in laga doodo furista dastuurka taasoo siyaasiyinta mucaaradka ka hor-yimaadeen.

In ka badan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen isku-dhacan ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 10 qof.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland oo la hadlay Arlaadi Media ayaa guulo ka sheegtey dagaalka balse ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamadda mucaaradka. Xiriiro lala sameeyay kama jawaabin.

Dagaalka Garowe ayaa ka dhashay is-qabqabsi siyaasadeed oo xal looga gaari waayay miiska wadahadalka isla markaana salka ku haya doorashada madaxtinimada maamul goboleedka ee loo balansan yahay in ay dhacdo bisha Janaayo ee 2024-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version