BRASILIA, Brazil – Laamaha amniga Brazil ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 29 tan oo ah libaax-badeed si sharci darro ah loogu dhoofinayay Aasiya.
Hay’adda ilaalinta deegaanka Brazil oo loo yaqaano Ibama ayaa intaas ku dartey in tiradda xayawaanada ay gaarayaan 10-kun xabo.
Waa tiradii ugu badneyd oo libaax-badeed ah oo ay qabtaan laamaha amaanka dalkan iyaga oo si sharci darro ah loo dhoofinayo.