GAROWE, Puntland – Deganaansho aan caga badan ku taagneyn ayaa maanta ka jirta caasimada Puntland ee Garowe. Ciidamadii isku-hor-fadhiyay qaybo kamid ah magaalada ayaa la kala qaadey.
Tani ayaa ah natiijo ka dhalatay dadaalo ay sameeyeen odayaal dhaqameedyo kuwaas oo sheegay in ay dhinacyada is-haya ku qanciyeen xabad-joojin iyo wadahadalo.
Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay tirro kale oo ku dhow 40 way ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay magaalada Garowe.
Sidoo kale, boqolaal ruux ayaa ku barakacay dagaalkan kuwaas oo qaar kamid ah oo kamid ah ay yihiin shacab kasoo jeeda degaanadda Koonfur Galbeed.
Beesha Caalamka oo war qoraal ah kasoo saartey dagaalka ayaa ku baaqdey in la joojiyo is-rasaaseynta isla markaana saamileyda siyaasadda ay xalka ku gaaraan wadahadal.
Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in ay soo afjareen “howlgal ay ku beegsadeen kooxo kasoo horjeeda nidaamka” balse ciidamada kasoo horjeeda waxay dhankooda tibaaxeen in ay ku gacan-sareeyeen is-rasaaseynta.
Isku-dhacan hubeysan ayaa salka ku haya wax ka badalka qodob ku jira dastuurka Puntland kaasoo ah in tiradda ururada laga dhigo illaa shan halka ay haatan ka yihiin saddex.
Mucaaradka ayaa sheegtey in wax ka badalka ay ku hoos-jirto muddo kororsi uu doonayo madaxwayne Deni. Balse, Madaxtooyadda Puntland ayaa horey u beenisay warkaas.
Khilaafka siyaasiyiinta Puntland ee gacan-ka-hadalka isku rogay ayaa yimid xilli qeybo kamid ah dalka ay todobaadyadii lasoo dhaafay ka jireen dagaalo dhiig badan u uku daatay.
