BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay go’doon geliyeen caasimada ku meelgaarka maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.
Illo dhanka amniga ah ayaa sheegaya in kooxda ay xirtey jidadka gala xarunta gobolka Baay taas oo xayirtey gaadiidka wada raashiin iyo dad.
Xayiraadan ayaa waxaa ka dhashay kor-u-kac ku yimid qiimaha cuntooyinka muhiimka ah taas oo laga cabsi qabo in ay isku rogto sicir-barar.
Baydhabo ayaa waxa ay u hoy u tahay boqolaal shacab ah kuwaas oo horey uga soo barakacay degaanada kale ee ay go’doomisay Al-Shabaab.
