NEW YORK, United States – Mareykanka ayaa waxa uu marti-gelin doonaa shir dhaqaale loogu uruurinayo Soomaaliya, sidda uu xaqiijiyey xafiiska dhanka ammaanka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xuseen Sheekh Cali oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha ayaa VOA u sheegay in deeqdan ay si gaar ah u khuseyso ciidamada Soomaaliya uuna kulanka ka dhici doono magaalada New York.
Cali waxa uu xusay in lix dal oo kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar iyo Midowga Yurub ay si wadajir ah u qaban-qaabinayaan is-araggan.
Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii dagaal kula jirtay xoogagga Al-Shabaab, iyadoo kooxdan laga saaray magaalooyinka waaweyn, balse waxay weli maamulaan deegaanno badan oo baadiyaha ah.
Bishii Agoosto 2022, ciidamada Soomaaliya, oo ay taageerayaan dagaalyahanno maxalli ah oo iskood isu abaabulay, ayaa qaaday weerar milateri oo ay kooxda xagjirka ah kala wareegeen qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.
